Waa kuma BreastScreen SA?
BreastScreen SA waxa ay u samaysaa baaritaan naas oo lacag la’aan ah (Raajada Naaska) labadii sanaba hal mar, badanaa dumarka jira 50 sanadood ilaa 74 sanadood.
Naas Baaristu waxa ay heli karaan kansarka naaska wakhti hore, ka hor intaan la dareemin astaamaha. Markaas in horay looga daaweeyo, waa sahlanaanaysaa.
BreastScreen SA waa laan aqoonsashada u haysata Koonfur Australia garabna u ah BreastScreen SA, oo ah barnaamijka qaranka ee baarista kansarka naaska ee dumarka aan lahayn astaamaha kansarka, waxayna adeeg bixinayaan ilaa 1989.
Baarista naasku waa lacag la’aan, umana baahnid in dhakhtar ku soo diro si aad u samaysato ballan.
Maxaad ka taqaan waxyaallaha ku saabsan baarista kansarka?
Waa maxay baarista naasku?
Baarista naasku waa baaritaanka raajada naaska (raajo la saarayo naaska oo qadarkeedu hooseeyo), ee dumarka aan lahayn astaamaha naaska sida buruq, dheecaan ka imanaya ibta ama isbeddel ku dhaca naaska oo aan caadi ahayn.
Baarista naajada naaska waxay ka mid ah in ugu yaraan sawirro (images) laga qaado naas walba– mid naaska qaybtiisa kore ah iyo mid dhinac ah. Ilaa hadda waa baaritaanka ugu waxtarka badan kansarka naaska ee la aan dareemin.
Haddii qofka dumarka ahi leeyahay astaamaha naaska, waxaa laga yaabaa in ay u baahan tahay raajada naaska ee lagu ogaado. Raajada naaska ee lagu ogaadaa waxa ay ka mid ah sawirrada naaska si fiican u faahfaahsan oo si dhakhtaradu u qiimeeyaan astaamaha. Kansarada qaarkood raajada naasku ma muujiso, sidaas darteed baaritaanno kale oo faahfaahsan ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Taas ayaa sabab u ah baarista naaska ay kaliya u habboon yihiin dumarka aan lahayn astaamaha naaska.
Yaa lagu samaynayaa baarista naaska?
BreastScreen SA wuxuu casumaa dumarka jira 50 ilaa 70 sanadood labadii sanaba hal mar. Caddayn ayaa muujisay in baarista joogtada ahi ugu fiican tahay kooxda da’daas ku jira.
Dumarka jira 40 ilaa 49 sanadood iyo kuwa ka weyn 75 sanadood ayaa iyaguna samaysan kara ballan lacag la’aan ah oo ah baarista naaska, laakiin waxaa si adag loogu dhiirigelinayaa in ay la hadlaan dhakhhtarkooda markay go’aan ka gaarayaan haddii baarista naasku ku habboon tahay.
BreastScreenwaxtar uma laha dumarka ka yar 40 sanadood. In kasta oo kansarku naasku ku dhici karo da’ walba, aad ayuu ugu yar yahay dumarka ka yar 40 sanadood.
Dumarka ka soo jeeda qoysaska leh taariikhda kansarka naaska ayaa samayn kara baarista naaska sanad walba laga soo bilaabo da’da 40-naad.
Wixii macluumaad intaa ka badan oo ku aaddan baarista da’da kala duwan iyo qoysaska taariikh hore u leh , booqo bogga BreastScreen SA: www.breastscreen.sa.gov.au.
BreastScreen SA miyay kugu habboon taahay?
Dumarka qaarkood ayaa laga yaabaa in ay u baahan yihiin daryeel iyo adeegyo aan qayb ka ahayn baarista.
Tan waxaa ku jira dumarka:
- leh astaamaha naaska (sida buruq, dheecaan ka soo baxaya ibta, ama isbeddel ku dhaca naasaha)
- leh taariikh xooggan ee qoyseed ee kansarka naaska iyo/ama kansarka ugxansidaha
- horay loogu arkay kansarka naaska shantii sano oo ugu dambaysay
- uu xaddidmey dhaqdhaqaaqa jirka qaybtiisa kore ama qaba dhibta xajinta ama kaalmaynta miisaankooda.
La hadal dhakhtarkaaga ama ka wac BreastScreen SA 13 20 50 si aad u xaqiijiso helidda daryeelka iyo adeegga kugu habboon.
Xaggee ayaan u aadayaa ballanta baarista naaska?
BreastScreen SA waxa ay leedahay toddoba rugood oo caafimaad oo ku yaalla Adelaide dhexdeeda inta ku wareegsan, iyo saddex qaybood oo ah baarista wareegta taas oo booqata meelaha magaalada ka baxsan iyo dhulka durugsan iyo gooba ka mid ah agagaaraha magaala weynta labadii sanaba hal mar. Goobaha joogtada ah oo aanu leennahay waxa ay ku qoran yihiin buuggaan yar gadaashiisa, liis ballaaranna oo goobaha hawshu ka socoto waxaa laga helli karaa b-boggayaga www.breastscreen.sa.gov.au.
Sidee u samaystaa ballanta BreastScreen SA?
Waxaad ka wici kartaa BreastScreen SA 13 20 50 si aad u samaysato ballantaada inta u dhexaysa 8:30 subaxii ilaa 5:30 galabtii. Fadlan ogsoonow waxa aan u baahan doona in aan ku weydiinno dhowr su’aallood oo caafimaadkaaga shakhsiyeed ah markii aad ballanta samaysato, sidaas awgeed xaqiiji in aad haysato wakhtiga iyo meel aad ku kaliga tahay aad kaga jawaabto su’aallahaas markii lagu soo waco.
Haddii kale, waxaad ka buuxin kartaa foomka ballanta online-ka oo ah www.breastscreen.sa.gov.au waxaada kula soo xiriireyna maalinta xigta ee shaqada.
Maxaa ka dhacaya ballantayda?
Fadlan imaw 10 daqiiqo ka hor ballantaada si aad wakhti fiican u siiso in aad buuxiso foomka oggolaanshaha aadna su’aallana u weydiiso. Fadlan sidaas oo kale xasuuso in aad keento kaarka Medicare-ka.
Mid ka mid ah shaqaalahaanaga soo dhowaynta ee wajiga firfircoon leh ayaa eegi doona magacaaga oo buuxa iyo cinwaanka, wakhtiga dhalashada iyo macluumaadka cinwaankaaga si loo xaqiijiyo in ay sax yihiin iyo in aan baarayno qofka saxda ah. Qof dumar ah oo ah kuwa raajada qaada ayaa ku geyn doona qolka baarista waxaadna u baahan doontaa in aad dharka iska bixiso wixii dhexda ka koreeya. Waxaad isa saari kartaa shaarkaaga ama funaanad garbahaaga haddii aad rabto, ama goono la iska bixin karo ayaa laguu helli karaa haddii aad codsato.
Markii aad diyaar tahay, qofka raajada qaada (radiographer) ayaa kaa saari doona hal naas markiiba mishiinka raajada. Mishiinka ayaa si xoog ah u riixi doona naaska 10-15 ilmiriqsi si uu u qaado muuqaal (sawir). Badanaa laba muuqaal naas walba, mid kor ah iyo mid dhinac ah. Dumarka naasaha waaweyn leh ayaa laga yaabaa inay u baahan yihiin muuqaal siyaada ah si loo xaqiijiyo in dhamaan naaska la arki karo. Marka la qaado muuqaalka, waxaad awoodi doontaa inaad lebisato ballantiina waa kuu dhamaatay.
Sawirrada raajada lama akhriyo wakhtiga ballanta. Qofka qaadaya raajada ayaa eegi doona tayada farsamo ee muuqaalka . Sawirradaada raajada ayaa loo diri doona Qaybta Xiriirinta Dawlad Goboleedka ee Adelaide halkaas oo ay ku akhriyi doonaan ugu yaraan laba aqoonyahan oo raajada yaqaana.
Baarista naasku xanuun ma la leedahay?
Dumar badan ayaa ka welwelsan in baarista naasku uu ahaan doono mid xanuun badan. Runtu waxa ay tahay dumarku waa ku kala duwan yihiin. Qaar ayaa yiraahda waa dhib badan tahay, qaar baa yiraahda waa xanuun badan yahay, dumar kale ayaa sheegay wax dhib ah in aanay lahayn. Haddii aad dhib dareento waxa ay ku dhamaanaysaa ilbiriqsiyo yar. Taas waxaa sabab u ah naasahaaga waa in si adag loogu riixaa mishiinka raajada si loo qaado muuqaal waadax ah. Haddii aad u aragto in ay xanuun leedahay, waad joojin kartaa qaadista raajada. Fadlan la hadal kuwa qaada raajada xilliga ballantaada haddii aad qabto wax welwel ah.
Sidee natiijooyinkayga go’aan looga gaarayaa?
Baarista naaska kaddib, sawirka raajadaada waxaa akhriyi doona laba qof oo madax banaan oo takhasus u leh fasirka raajada. Iyada oo ku xiran waxa ay helaan, waxaa lagu siin doona hal natiijo: ama waa ‘ma jiraan wax caddayn ah oo sheegaya kansarka naaska’ ama ‘dib u yeerida si loo sameeyo baaritaanno kale’.
Caadiyan natiijooyinka boosta ayaa la soo dhigayaa waxaana loo dirayaa adiga iyo dhakhtarka aad magacawday 14 berri gudahood ballanta kaddib. Maaddaama baaritaankani eegayo keliya kansarka naaska, isbeddel kasta oo aan kansar ahayn laguma sheegayo.
Maxaa dhacaya haddii aan u baahanahay baaritaanno siyaada ah?
Qiyaas ahaan 5% dumarka la baaro ayaa la weydiiyaa in ay u soo noqdaan BreastScreen SA si loo sameeyo baaritaan kale. Taas macneheedu ma aha in aad qabto kansarka naaska, laakiin mararka qaarkood waxaa loo baahan yahay baaritaanno intaas ka badan si loo xaqiijiyo. Tani waxa ay inta badan ku dhacdaa dumarka sameeya baaritaanka naaska ee ugu horreeyey, maadaama aanay jirin raajo naaska ah oo horay loo qaaday oo la dhinac dhigo. Waxyaalla laga yaabo in ay u muuqdaan wax aan caadi ahayn baaritaankaaga ugu horreeya ee naaska ayaa gebi ahaan noqon kara caadi.
Dumarka waxaa dib loogu yeeraa rugteenna caafimaadka ee Adelaide si dib u qiimayn loogu sameeyoo, halkaas oo ay baaritaan ku qaadan doonaan, taas oo laga yaabo in ay ku jirto raajada naaska oo aad u faahfaahsan, ultrasound, baaritaan naaska ah,xaalladaha qaarkoodn cadad ayaa laga qaadaa (biopsy). Tani waxa ay noqon kartaa waaya-aragnimo welwel leh kooxdeenna mihnadlayaasha caafimaadkana ahina waxa ay xaqiijin doonaan in aad xasilloon tahay intii karaankooda ah waqtiga booqashada.
Dumarka badankood oo laga qaado baaritaan siyaada ah ayaa dib loogu xaqiijiya in aanay qabin kansarka naaska. Kaddib ayaa loogu martiqaadaa baaritaanka naaska ee soo socda marka waqtiga la gaaro.
Maxaa dhacaya haddaan qabo kansar?
Tira aad u yar oo dumar ah (in ka yar 1% oo ah dumarka Koonfur Australia oo la baaray) ayaa lagu sheegay kansarka naaska kaddib ballantooda Dib-u-qiimaynta. Kooxdayada takhasuska ah ee mihnadleyaasha caafimaadka ayaa ku hagi doona xaalladaan kuuna sharaxaya waxa dhacaya oo ku xiga.
In kasta oo BreastScreen SA aanay daaweynin dumarka qaba kansarka, waanu kaa caawin doonaa baahiyadaada daryeelka mustaqbalkaaga iyada oo lala xiriirayo dhakhtarkaaga. Dhakhtarkaaga ayaa kaala hadli doona gudbinta takhasuska, daaweynta iyo kala xulashada la-socodka.
Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan kansarka naaska, waxaad booqan kartaa bogga Cancer Australia.
Waa maxay arrimaha khatarta ah ee kansarka naasku?
Waxaa jira dhowr arrimood oo siyaadin kara khatartaada shakhsiyeed ee helitaanka kansarka naaska. Kuwaas waxaa ku jira arrima shakhsiyeed sida ahaanta dumar, cufka naaskaaga shakhsiyeed, da’daada, iyo haddii horay laguugu sheegay kansar, iyo taariikhda qoyskaaga ee kansarka. Waxyaallaha kale waxaa ka mid hanaanka nololeed, waxaad cunto, inta jeer oo aad jimicsi samayso, haddii aad cabto sigaar iyo inta jeer oo aad cabto khamro. Haddii aad doonayso in aad qiimayso khatartaada, waxaad la hadli kartaa dhakhtarkaaga ama isticmaal su’aal qaadaha soo socda oo online-ka ah: http://breastcancerrisk.canceraustralia.gov.au.
Waa maxay cufka naasku?
Naaska dumarku wuxuu ka samaysan yahay nudo baruur ah iyo waxa loo yaqaan nudaha fibroglandular (aan-baruur ahayn). Raajada naaska, nudaha baruurta ah ayaa u muuqda madw halka nudaha kale ee naasku u muuqdaan cadaan ama mid ‘cufan’. Cadadka nudaha fibroglandular (inta cad) marki raajada naaska la saaro waxaa loogu yeera cufka naaska.
Maadaama kansarka naaska uu u muuqdo cadaan marki raajada naaska la saaro, cufka naaska oo sarreeya wuxuu hoos u dhigaa xasaasiyada baarista sawirka raajada. In kasta oo ay sidaasi tahay, , baarista sawirka raajada ayaa weli ah kan ugu fiican baarista kansarka naaska dumarka jira 50 ilaa 74, marka lagu daro kuwa leh naas aad cufan.
Naasaha cufka ama xajmiga leh waa wax ku badan qiyaas ahaan 40% dumarka ka weyn 40 sanadood da’ ahaan.
Cufka naaskaaga ayaa lagu sheegi doonaa natiijooyinka baarista naaskaaga.
Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan cufka naaska waxaa laga heli karaa boggayaga.
Waa maxay faa’iidooyinka baarista naaska ee joogtada ah?
Helitaanka kansarka naaska wakhti hore
Sanadii 2008, cilmi baaris maxalli ah ayaa heshay in dumarka degan Koonfur Australia oo jira 50 ilaa 69, oo sameeyey baarista naaska labadii sanaba hal mar, ay yareeyaan suurtagalnimada in qof u dhinto kansarka naaska 41%.*
Daaweynta leh faragelin yar
1000kii dumar oo laga qaaday baarista naaska, ilaa 6 dumar ah ayaa laga heli doona kansarka naaska. Kansarada naaska oo lagu ogaaday BreastScreen SA badanaa waa yar yihiin, waxayna ka dhigtaa wax sahlan oo la dawayn karo. Caafimaadka dumarka ee guud ayaa isagana la wanaajiyaa.
Dib-u-xaqiijin
Dumarka badankood oo lagu sameeyey baaritaanka naaska ayaa heli doona natiijada ah ‘ma jirto cadaynta kansarka naaska’ waxayna dareemaan inay yihiin kuwa firfircoon xagga ilaalinta caafimaadka naaskooda.
Waa maxay dhaliillaha iyo khataraha baaritaanka naasku?
Iyada oo raajada naasku ay hadda tahay mida ugu fiican xagga baarista naaska, waxaa jira dhaliillo ay tahay in aad ogaato.
Kansarka naaska waa jiraa laakiin lama helin
Baarista raajada naasku ma soo saarayso dhamaan kansarada naaska. Kansarada qaarkood laguma arki karo baarista raajada naaska ama waxa ay soo bixikaraan inta u dhexaysa labada baaritaan ee naaska. Waa jirta suurtagalnimo aad u yar in kansarka la gefi karo raajada baarista naasku. Tan waxa ay keeni kartaa in la ogaado kansarka naaska wakhti dambe.
In ka yar 1, kunkiiba (1000) dumarka jira 50 ilaa 74 sanadood ayaa laga heli doona kansarka naaska labada bilood oo soo socda kaddib marka lagu sameeyo baarista naaska.
Waxyaallaha kale ee dowrka ka qaata wax ku oolnimada baarista raajooyinka naaska waxaa ka mid noqon kara da’da dumarka iyo cufka naaska qofka dumarka ah.
Kansar ayaa la helay waxaana loo daaweyeey si aan ku habbooneyn (qalad-u-tarjumid)
BaaristaNaaska ayaa laga yaabaa in lagu ogaado kansaro oo aan noqon karin mid halis ah. Taas macneheedu waxa weeye qofka dumarka ahi waxaa laga yaabaa in ay doorato in laga daaweeyo kansar aan marna iyada khatar ku hayn, si kasta ha ahaatee daaweynta nafteeda ayaa laga yaabaa inay khatar u tahay qofka dumarka.
Weli suurtagal maaha in si sax loo sheego kansarada naasaha oo noqon kara halis iyo kuwa aan noqon karin.
Baaritaana siyaada ah ayaa la sameeyey, laakiin lama helin kansarka naaska
Haddii meesha laga shaki qabo ama isbeddelka nudaha naaskaaga laga helay raajadii baarista naaska, dib ayaa lagaaga yeerayaa Rugta Qiimeynta caafimaadka ee BreastScreen SA si aad u martobaaritaanno intaas ka badan. Baaritaannadaas waxaa ku jiri doona ultrasound laga qaado naaska iyo weliba baaritaanno lagu sameeyo naaska ama cad yar oo laga gooyo. Iyada oo tani u keeni karto dumarka welwel iyo walaac, badankood waxaa loo sheegi doona in aanay qabin kansarka naaska.
Maxay tahay muhiimadda ay leedahay ka war haynta naaska?
Xataa haddii lagaa qaado baaritaano naas labadii sanaba, weli waa muhiim in aad la socoto naaskaaga sababtoo ah kansarka naasku wuu samaysmi karaa mar walba. Tan waxaa ku jirta wakhtiyada u dhaxeeya ballamada baaritaanka.
Waa muhiim in aad ogaato sida caadiyan u muuqdo ama eg yahay naasahaaga. Waxyaalaha ay tahay in aad la socoto waxaa ka mid ah:
- Buruq ama buruqyo cusub oo naaskaaga, khaasatan haddii ay tahay keliya hal naas
- isbeddel ku yimaada inta naasku la eg yahay iyo qaabka uu u muuqdo naaskaaga
- isbeddel ku dhaca ibta sida qolfo, boog, guduud ama ibta oo hoos gasha
- Dhecaan ka imanaya ibta taas oo dhacda adiga oo aan tuujin ibta
- Isbeddel ku dhaca maqaarka naasahaaga sida guduud ama maqaarka oo ay ku dhacdo godniin ama qolof fuusha
- xanuun aan tegayn.
Isbeddelka naasaha badankood ma aha kansarka naaska waase in la eegaa si lo hubiyo. Haddii aad aragto isbeddel ku dhaca muuqaalka naaska, xataa haddii baarista raajada naasku ay caadi ahayd, arag dhakhtarkaaga daahid la’aan.
Tilmaameyaasha dhabta ah si looga dhigo booqashadaada mid sahlan oo dhib la’aan ah
Fadlan ha ismarin boodharka talcum ama barafuuno maalinta aad leedahay ballanta maadama ay saamayn karto baarista naaska.
- Soo gasho dhar laba qayb ka kooban maadaama lagaaga baahan doono in aad bixiso raajabeetada wakhtiga naaska la baarayo.
- Fadlan xasuuso in aad la timaaddo Medicare Card-kaaga ballanta, iyo weliba foomka oggolaanshaha oo aad saxiixday oo aad buuxisay.
- Fadlan imow 10 daqiiqo ka hor ballantaada si aan u dhammayno diiwaangelinta.
- Haddii raajada naaska meel kale lagaaga sameeyey, fadlan u sheeg shaqaalahayaga markaad ballanta samaysanayso.
- Haddii aad qabto su’aallo fadlan weydii shaqaalahayaga soo dhowaynta fiican.
Liink-yo muhiim ah, tixraacyada iyo waxyaallaha kale oo aad akhrisan karto
Cancer Australia
Xisaabiyaha khatarta kansarka Naaska
breastcancerrisk.canceraustralia.gov.au
Hay’adda Caafimaadka iyo Daryeelka ee Australia
Sida loo samaysto ballanta
Wac 13 20 50 ama booqo www.breastscreen.sa.gov.au kana tag macluumaadkaaga foomkayaga Samaynta Ballanta .
Looma baahan in dhakhtar ku soo xawilo.
Adeegga tarjumaad lacag la’aan ah iyo gaariga curyaanka
(wheelchair) ayaa la heli karaa.
Goobaha rugaha caafimaadka ee BreastScreen SA
Kooxyada baarista guurguurta
Kooxdayada baarista guurguurta (mobile) waxa ay booqdaan baadiyaha, meelaha durugsan, magaalooyinka waaweyn iyo meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn labadii sanaba hal mar. Fadlan booqo boggaayaga si aad u aragto faahfaahinta goobaha iyo booqashada.